Friday, April 10, 2026

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb galaya munaasabadda xuska sanad-guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taas oo maanta ka dhacaysa Xarunta Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan ayaa lagu xusayaa doorka muhiimka ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, iyo u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Inta lagu guda jiro xafladda, Ciidanka Booliska ayaa soo bandhigi doona dhoolatus ciidan, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii iyo guulihii ay ciidanku gaareen muddadii ay shaqeynayeen.

Madaxda ugu sareysa dalka, saraakiil ciidan, masuuliyiin ka tirsan dowladda, iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galaya munaasabadda, waxaana la filayaa in khudbado kala duwan laga jeediyo, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta, tayeynta iyo mustaqbalka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah loo aas-aasay 20-ka December, sanadkii 1943, iyagoo muddo 82 sano ah laf-dhabar u ahaa sugidda amniga iyo kala dambeynta dalka, xilli ay soo mareen marxalado kala duwan oo taariikhi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles