Saturday, December 20, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Shirka ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si faahfaahsan uga hadlay shirka mucaaradka ee ka socda magaalada Kismaayo, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabadda sanad-guurada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhinacyada ku shiraya Kismaayo in ay la yimaadaan talooyin iyo aragtiyo wax ku ool ah oo ay ummadda Soomaaliyeed fahmi karto, isaga oo xusay in dowladda ay diyaar u tahay tanaasul iyo wadahadal miro dhal ah.

“Walaalaha Kismaayo waxaan leeyahay; haddaad isku timaadeen, tashada ra’yi la imaada. Lama aadi karo Kismaayo oo diyaaradaha ka xira ma lihin wax la fahmi karo oo ummadda Soomaaliyeed fahmi karto. Tanaasul ayaan diyaar u nahay,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in xorriyadda hadalka ay ka jirto dalka, islamarkaana mucaaradku xaq u leeyahay in ay aragtidooda cabbiraan, balse uu jiro xad u dhexeeya hadal iyo fal hubeysan.

“Waa hadli kartaan, waana iska qeylin kartaan, waa dimuqraadiyad—inta hadalku joogo xor baad tihiin. Balse maalinta aad qori soo qaadataan, gacantaa la idinka qabanayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku dhaliilay mucaaradka in aysan keenin wax cusub marka loo eego doodihii hore, isaga oo sheegay in wax la mid ah shirarka hore aysan xal u noqon karin xaaladda dalka.

“Aniga ma aqaan caqli Hotel Jazeera markii la joogay soo kordhi waayay oo Kismaayo kasoo kordhaya,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli shirka mucaaradka ee Kismaayo uu si weyn u soo jiitay indhaha siyaasadda dalka, iyadoo la sugayo natiijooyinka ka soo bixi doona kulamada halkaas ka socda.

WARARKII KALE

DFS oo hakisay waxbarashada sabab la xiriirta doorashooyinka

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha...

Wararkii ugu dambeeyay shirka ka socda Kismaayo

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii saddexaad, iyadoo...

Xuska 82 sano guuradii ka soo wareegatay as aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka...

Mareykanka oo weerar ballaaran ku qaaday Daacishta Suuriya

Maraykanka ayaa sheegay in ciidankiisu ay “weerar ballaaran” ku...

Ilhaan Cumar oo ka hadashay khiyaanada lagu heysto Soomaalida Minnesota

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles