Wasiir Bashiir Goobe oo qiimeyn ku sameeyay Isbeddelka Cimilo ee Deegaannada Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee XFS Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay magaalooyinka Hobyo, Xinbarwaaqo iyo Ceelhuur ee Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u qiimeeyo xaaladda deegaanka iyo saameynta isbeddelka cimillada ee ka jirta deegaannadaas.

Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulka deegaanka, waxaana booqashada ku wehliyay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka ee Dowladda Goboleedka Galmudug, Mudane Saciid Siyaad.

Intii ay booqashadu socotay, Wasiirku wuxuu kormeer ku sameeyay magaalada Haybo, halkaas oo qaar ka mid ah xaafadaha ay si weyn u saameeyeen isbeddellada cimillada, gaar ahaan bacaad-guura oo qariyay guryaha deegaanno badan, Wasiirka ayaa warbixinno faahfaahsan ka dhageystay bulshada iyo maamulka deegaanka, kuwaas oo ka hadlay saameynta jirta iyo baahiyaha degdegga ah, Wasiir Bashiir ayaa si adag ugu hadlay saameynta Isbeddalka Cimillada ku yeelatay deeggada Galmudug.

Ugu dambayn, Wasiirku wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda dhexe ay dardargelin doonto dadaallada ilaalinta deegaanka, la-qabsiga isbeddelka cimillada, iyo hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo wax ka tari doona dhibaatooyinka ka jira deegaannada la booqday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles