Thursday, December 25, 2025

Maamulka koonfur galbeed oo bogaadiyey doorashada golaha deegaanka gobolka Banaadir

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa hambalyo u diray Shacabka Gobolka Banaadir oo maanta si nabad ah, hufan isla markaana masuuliyad leh ugu dhiibtay codkooda Doorashada Qof iyo Cod.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Banaadir biseylkooda siyaasadeed, wacyigooda iyo sida ay uga go’an tahay ka qeybgalka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, isagoo xusay in doorashadani ay tahay tallaabo taariikhi ah oo horseed u ah dowladnimo ku dhisan rabitaanka shacabka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale ammaanay Hay’adaha Ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo dhammaan masuuliyiintii ka shaqeysay hirgelinta doorashada, kuwaas oo suurtageliyey in codbixintu ku qabsoonto jawi nabad iyo kala dambeyn leh.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay sii wadaan ka qeybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, si loo helo hoggaan lagu doortay rabitaanka shacabka, loona xoojiyo midnimada iyo horumarka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiye Cabdikariim”Maqribnimadii caawa ayay soo xirmatay codeynta Doorashada”

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed...

Madaxweynaha hirshabelle oo bogaadiyay curashada doorasho qof iyo qod ah ee gobolka banaadir

Maanta waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareeray qabsoomidda...

RW Xamsa oo kormeeray goobaha codbixinta

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer...

MW Xasan Sheekh oo maanta codkiisa dhiibtay iyo fariin uu u diray Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta codkiisa ka...

Codeynta Doorashada Golaha deegaanka ee G/Banaadir oo weli socota(sawirro)

Codeynta ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilaabtay goobaha codbixinta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles