Sunday, December 28, 2025

MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is-afgarad qaran, iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dhanka kale, wali ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha  uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan madaxda dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Shirkan ayaa imanaya ku soo aadaya xili wadanka uu wajahayo xiisad diplomaasiyeed oo ka dhashay aqoonsiga ay Israaiil siisay Maamulka Soomaaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles