MW Xasan Sheekh oo maanta hortagaya Xildhibaanada labada Aqal ee BFS

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay shir wadatashi oo ballaaran, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in shirka uu diiradda saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is-afgarad qaran, iyo jihada mustaqbalka ee dowladnimada Soomaaliya, xilli uu dalka wajahayo xaalado siyaasadeed oo xasaasi ah.

Waxaa la filayaa in maanta ay magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, halka Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, uu shalay soo gaaray caasimadda kaddib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Dhanka kale, wali ma cadda in shirka ay ka qeyb geli doonaan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, inkastoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha  uu gogol wadatashi oo ballaaran u fidiyay dhammaan madaxda dalka, si looga arrinsado masiirka guud ee Soomaaliya iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

Shirkan ayaa imanaya ku soo aadaya xili wadanka uu wajahayo xiisad diplomaasiyeed oo ka dhashay aqoonsiga ay Israaiil siisay Maamulka Soomaaliland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Farmaajo oo si adag uga horyimid jadwalka doorashada federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay degmada Waajid

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo ka tirsan Booliiska...

Waqtiga la qabanayo doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ayaa si rasmi...

Trump oo ka shaqeynaya in Ilhan Omar laga soo masaafurayo Mareykanka

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa wada baaritaan la xiriira...

Ciidamada Laftagareen oo gudaha u galay Buurhakaba kadib dagaal culus

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles