Madasha smata-bixinta ayaa wrasaxaadaeeed ka soo saartay kulan ay xalay la qaateen madaxweyne Xasan Sheekh , wallow ay muujiyeen inay ku garab taaganyihiin difaaca midnimada , waxay soo bandhigeen inaysan wax qorshe ah ugu tagin madaxweynaha oo lagu wajahayo go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland iyo marxaladda u dalku wajahayo.
Warsaxaafadeedkan wuxuu madaxweynaha ugu baaqay;
1.In uu la yimaado Qorshe cad iyo istiraatiijiyad qaran oo lagu wajahayo halista kala qaybinta dalka iyo tan argagixisada ee haatan taagan.
2.In si xalkasnimo iyo masuuliyad qaran ku dheehan tahay u qaado tallaabooyin dhab ah oo lagu xallinayo sababaha asaasiga ah ee keenay kala-qaybsanaanta gudaha.
3. lyo in la helo aragti mideysan oo dalka looga badbaadinayo hubanti-la’aanta siyaasadeed ee marxaladda kala-guurka, taasoo saldhig u ah jiritaanka dawlad sharciyad leh oo dalka ka difaacda halista taagan iyo kuwo nagu soo wajan.



