Tuesday, July 14, 2026

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee Soomaaliya, soona noqday Wasiirka Warfaafinta DFS ayaa sheegay inuu iska casilay kursigii Xildhibaanimo ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cismaan Dubbe ayaa laga soo xigtay inuu ka tanaasulay Qaddiyaddii uu aaminsanaa ee Soomaaliya, waxaan la filayaa inuu ku laabto Hargeysa, kadib aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland

Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidan:-

“War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” Cismaan Dubbe

“Saddex sanadood baan Baarlamaanka iyo dariiqyada Xamar la’ taagnaa waar dadka Reer Somaliland dhibta ka daaya! Kursigaagii miyaad ka samirtay baa la iigu jawaabi jirey! Kursiga in uu ka mihiimsan yahay damiirku ayaan maanta u sheegay Xamar ragga xukuma. Aniga oo kursigii fadhiya ayaanan maanta iska casilay sidii ay adeeraday hore u sameeyeen 1980. War nimanyahow kala quusanaye qoomamo la’aada” ayuu yiri Dubbe oo qoraal uu ku daabacay Bartiisa Facebook.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudiga oo ku dhawaaqay inay qabteen gantaalada ballistic-ga ah oo Xuutiyiinta ays oo rideen

Afhayeenka rasmiga ah ee ciidamada isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga...

Ciidamada Yemen oo weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay...

Kenya oo weerar sirdoon ku dishay xubno ka tirsan Al-shabaab,lana Burburiyay Xero qarsoodi oo ku taala Mandheera

Ugu yaraan 11 maleeshiyaad oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa...

MW Xasan Sheekh oo amar ku bixiyay in hoos loo dhigo Calanka Qaranka Kadib Geerida Amiirkii Hore ee Qatar

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku...

MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga Qaybgalo Aaska Amiirkii Hore ee Dalkaas

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan dalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles