Monday, December 29, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay MW Jabuuti

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyaddan aan walaalaha nahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay mowqifta dalalka walaalaha iyo saaxiibka ah ee ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda adag ee ah ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo ku kalsoon garab-istaagga iyo wadajirka dalalka Gobolka.

 

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Golaha wadatashiga Qaranka oo ka horyimid damaca Israa’iil

Goluhu wuxuu mar kale si cad u adkeeyay in...

Midowga Baarlamaanada Carabta oo diiday damaca Israa’iil ee Somalilan

Midowga Baarlamaanada Carabta ayaa si cad u muujiyey diidmadiisa...

Golaha ammaanka ee Q.M oo shir deg deg maanta ka yeelanaya aqoonsiga Somaliland ee Israaiil

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan aan...

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo hanjabaad u diray Soomaaliland kadib aqoonsiga Israa’iil

Hoggaamiyaha kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yemen, Cabdulmalik Al-Xuutii, ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles