Banaanbaxyo lagu diidan yahay Damaca Isra’iil oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah dalka

Muqdisho, Baydhabo, Dhuusamareeb, Guriceel iyo Laascaanood ayaa maanta waxaa isugu soo baxay kumannaan shacab ah oo si wadajir ah uga dhiidhinaya go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay kala-jarista dalka, iyo sidoo kale dhaqdhaqaaqyada ay ku tilmaameen kuwo halis ku ah midnimada Soomaaliya oo uu wado maamulka Hargeysa ee Waqooyi Galbeed.

Isu-soo-baxyadaas oo si nabad ah u dhacay ayaa waxaa ka qeyb galay culimada diinta, waxgaradka dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay midnimo iyo dareen wadareed oo ku aaddan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka.

Culimada ka hadashay isu-soo-baxyada ayaa cambaareeyay faragelin kasta oo shisheeye, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay in aysan marnaba aqbalin kala-qaybin iyo tallaabo kasta oo dhaawacaysa jiritaanka qaranka.

Isu-soo-baxyadan oo wali ka socda meelo kale oo ka mid ah dalka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan dareenka shacabka ee ku aaddan arrimaha siyaasadeed ee ka taagan dalka, iyadoo shacabka ay si cad u muujiyeen mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles