Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellada Dhexe.
Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday waxay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Wargaadhi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Wararka ahaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada dagaalamaya, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin tirada inta ay la egtahay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo badan oo gurmad ah ay gaareen Deegaanka Wargaadhi.
Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana weli la maqlayaa dhawaqa rasaasta culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.
Wixii ku soo kordha la soco.


