Weerar ku bilowday qaraxyo oo Al-shabaab ay ku qaaday Deegaanka Wargaadhi

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Wargaadhi ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilowday waxay ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Wargaadhi, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Wararka ahaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dhinacyada dagaalamaya, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin tirada inta ay la egtahay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo badan oo gurmad ah ay gaareen Deegaanka Wargaadhi.

Xaalada ayaa weli kacsan, waxaana weli la maqlayaa dhawaqa rasaasta culus oo labada dhinac ay is weydaarsanayaan.

Wixii ku soo kordha la soco.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles