Masar iyo Turkiga oo si adag uga horyimid aqoonsi kasta oo la siiyo Somaliland

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar iyo Turkiga ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsi kasta oo Isrl ama cid kale siiso Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid ka hor imaanaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii qadka taleefanka ay ku wadahadleen Dr. Badr Cabdulcaati iyo Hakan Fidan, kuwaas oo ka wada hadlay xaaladda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa adkeeyay taageeradooda midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana digay in tallaabooyin hal dhinac ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Masar iyo Turkiga ayaa mar kale xaqiijiyay taageeradooda buuxda ee midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in laga fogaado tallaabooyin hal dhinac ah oo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya ama carqaladeynaya dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Labada dhinac ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dhammaan arrimaha la xiriira Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal, is-afgarad iyo ixtiraam buuxa oo loo hayo sharciga caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo amni u adeegaya shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles