Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray deegaanka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku weerareen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo musaafur ah, kaddib markii qarax miino lagula eegtay duleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Qaraxa ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo ugu yaraan 7 qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Sawirro laga helay goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo gaaray gaariga ay saarnaayeen dadka musaafurka ah, kaas oo si weyn u gubtay una burburay.
Ciidamada dowladda oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdada, iyagoo sidoo kale xaqiijinaya ammaanka deegaanka si looga hortago qaraxyo kale oo suurtagal ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay falkaas, waxayna ku tilmaantay mid arxan-darro ah oo si bareer ah loogu beegsaday dad rayid ah.
Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa qaarkood loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo xaaladooda caafimaad, halka kuwa kale lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo ku yaalla gobolka.


