Haweenaydii Minneapolis lagu toogtay oo magaceeda la shaaciyay

Golaha Deegaanka Magaalada Minneapolis ayaa soo saaray bayaan ay ku shaacinayaan haweeneydii geeriyootay magaceeda taaso oo ay ku sheegeen in lagu magacaabi jiray Renee Nicole Good, isla markaana ay ku cambaareeyeen falalka ay ICE ka sameysay magaalada.

“Renee waxay ka mid ahayd dadka deggan magaaladeenna oo saaka u baxday inay daryeesho deriskeeda, balse nolosheeda maanta soo gabagabeyay dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo saaray. “Qof kasta oo qof ku dilo magaaladeenna waa in la xiraa, la baaraa, lana maxkamadeeyaa si buuxda, iyadoo la raacayo sharciga.”

Goluhu waxa kale oo uu muujiyay taageero buuxda oo ay u hayaan bulshooyinka soo-galootiga ah ee ku nool magaalada, waxayna ku raaceen baaqii Duqa Magaalada Jacob Frey ee ahaa in wakiillada ICE ay si degdeg ah uga baxaan magaalada.

“Minneapolis waa magaalo adkaysi leh, dib-na uma noqon doonto iyadoo dowladda federaalka ay sii kordhinayso weerarrada ay ku hayso bulshadeenna,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles