Ururka Iskaashiga Islaamka oo maanta shir ka yeelanaya Aqoonsiga Israa’iil

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta oo Sabti ah qabanaya kulan degdeg ah oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, si looga hadlo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ka soo cusboonaaday ee halista ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Kulankan degdegga ah ayaa si gaar ah diiradda u saaraya aqoonsiga la sheegay in Israa’iil siisay Somaliland, tallaabadaas oo OIC ku tilmaantay mid dhaawacaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dalalka xubnaha ka ah ururka ayaa la filayaa inay si wadajir ah u cambaareeyaan tallaabadaas, isla markaana muujiyaan taageero buuxda oo ay u hayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in shirka ujeedkiisu yahay in la qaato mowqif mideysan oo Islaami ah, laguna adkeeyo baaqa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

OIC ayaa sheegtay in shirka degdegga ah uu daba socdo booqasho uu wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Gideon Sa’ar, ku tegay Somaliland, booqashadaas oo timid wax ka yar laba toddobaad kaddib markii Israa’iil si rasmi ah u shaacisay aqoonsiga Somaliland, arrintaas oo dhalisay caro iyo cambaareyn ballaaran oo caalami ah.

Dhanka kale, Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa 6-da Janaayo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana mar kale adkeeyay taageerada Midowga Afrika u hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa horay u qirtay in ay jireen xiriirro aan rasmi ahayn iyo dano amni oo ay ku leeyihiin Geeska Afrika, balse dowladihii kala dambeeyay ay ka fogaadeen aqoonsi rasmi ah, iyagoo tixgelinayay sharciga caalamiga ah, mowqifyada Midowga Afrika, iyo xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo saaxiibadeeda gobolka.

Ugu dambeyn, OIC ayaa carrabka ku adkeysay in shirka Sabtida uu yahay mid lagu doonayo in lagu mideeyo mowqifka dalalka Islaamka, laguna xaqiijiyo taageerada wadajirka ah ee xuduudaha Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay, iyadoo lagu baaqayo in la joojiyo faragelin kasta oo lagu hayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles