Maxaa looga hadlay Kulanka Aqalka sare ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad, kaas oo ajandihiisu ahaa:

Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka.

Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka.

Ugu horrayn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka. Wasiirku waxa uu si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaaminta, tayeynta iyo sugidda badqabka dawooyinka dalka la keeno, isaga oo xusay doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu si qoto dheer u sharraxay qodobada iyo faqraddaha ay guddigu wax-ka-beddel, toosin iyo sii-hagaajin ku sameeyeen intii ay ku guda jireen ka shaqeynta sharcigan, iyagoo kaashanaya sharciyaqaannada Golaha.

Intaas kaddib, Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay dood iyo aragti dhiibasho ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka, iyaga oo soo jeediyay talooyin, aragtiyo iyo fikrado wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayeynta sharcigan muhiimka u ah nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada ka qayb qaatay doodda iyo soo-jeedinta aragtiyaha qiimaha leh ee ku aaddan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu faray Guddiga Maaliyadda in ay dib u habeeyaan sharciga, iyagoo tixgelinaya talooyinka iyo aragtiyaha ay soo jeediyeen Sanatarradu, si loogu diyaariyo Akhrinta Saddexaad ee kama dambaysta ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles