Friday, June 26, 2026

Soomaaliya oo Hub Casri ah Ka Heshay Turkiga Masar iyo Serbia

Dowladda Soomaaliya ayaa heshay taageero milatari oo culus kaddib markii Turkiga, Masar iyo Serbia ay dalka u direen hub iyo qalab ciidan oo casri ah, taas oo si weyn u kordhisay awoodda hawlgal iyo niyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli ay jiraan culaysyo diblomaasiyadeed iyo mid amni oo xooggan.

Saraakiil sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Difaaca Turkiga in Ankara si rasmi ah u gaarsiisay Soomaaliya hub askari, gaadiid gaashaaman, rasaas, nidaamyada isgaarsiinta iyo hagista hawlgallada (command & control), iyo qalabka aragga habeenkii (night vision).

Warbixinta ayaa tilmaamtay in taageeradan ay ku soo beegantay xilli la hawlgelinayo cutubyada Gorgor (Kartal), kuwaas oo si gaar ah loogu tababaray saldhigga TÜRKSOM ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Tani, sida ay wakaaladdu sheegtay, waxay muujinaysaa in Turkigu uusan ku ekeyn tababar oo kaliya, balse uu si toos ah u dhaqaajiyay awood militari oo hawlgal iyo dagaal leh gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, saraakiisha Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar iyo Serbia ay bixiyeen taageero hub iyo qalab ciidan, inkastoo aan la shaacin nooca iyo tirada hubka ay keeneen.

Taageeradan hubka ah ayaa ku soo aadaysa xilli Soomaaliya ay helayso taageero diblomaasiyadeed oo ballaaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada iyo dhulkeeda.

Boqortooyada Sacuudiga iyo dalal Carbeed, Islaami ah iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan ay ku cambaareynayaan booqashadii dhowaan uu mas’uul Israa’iili ah ku tagay Somaliland.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska...

Qoor qoor oo ka haray tartanka doorashada Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa...

Xuutiyiinta Yemen oo farìin hanjabaad ah u dirtay Somaliland

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ansaar Allah (Xuutiyiinta), Cabdulmalik Al-Xuuthi, ayaa sheegay...

MW Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabada uu Midowga Yurub fiisaha ugu soo rogay Soomaalda

Midowga Yurub ayaa soo rogay xayiraado ku meelgaar ah...

Tirada dadka ku dhintay dhul gariirka ku dhuftay Venezuela oo korortay

Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah uga dhex baaraya...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles