Tuesday, January 13, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa kulan la yeeshay Madaxa cusub ee Hay’adda UNHCR u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Jong Song.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee la xiriira arrimaha qaxootiga, barakacayaasha iyo horumarinta xalal waara. Waxaa si gaar ah looga wada hadlay xaaladda iyo caqabadaha haysta barakacayaasha gudaha iyo qaxootiga, dardargelinta xalalka waara, iyo xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula tacaalayo barakaca.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka aqoonsi sharciyeed, ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo qaxootiga, iyo fududeynta ka mid noqoshada bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Labada dhinacba waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii wadidda iskaashi dhow oo lagu taageerayo mudnaanta qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, lana horumarinayo ilaalinta iyo helitaanka natiijooyin waara oo wax ku ool ah oo loogu adeegayo bulshooyinka barakacay iyo kuwa nugul ee dalka oo dhan.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles