Tuesday, January 13, 2026

Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Q.M

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, Mr. George Conway, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo u kuurgalaya saamaynta abaarta ka jirta deegaannada Jubaland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka badan hal milyan iyo bar (1.5 milyan) oo qof ay si toos ah u saameysay abaartu, halka kumannaan xoolo ahna ay ku dhinteen, taas oo si weyn u wiiqday noloshii dhaqaale ee dadku ku tiirsanaa oo ahayd xoolaha nool. Wuxuu xusay Madaxweynahu in dadka ku barakacay saameynta abaarta ay ilaa hadda helayaan gargaar kooban oo ay wadaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubaland, oo gaarsiinaya biyo-dhaamin iyo raashin deegaannada ay abaartu sida ba’an u saameysay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaartu ay sii daba dheeraan karto, taas oo halis weyn ku ah nolosha shacabka, haddii aan la helin gurmad degdeg ah iyo kaalmo caalami ah. Wuxuu adkeeyay in ay wakhtigan muhiim tahay taageero degdeg ah, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho macaluul, gaar ahaan isagoo xusay in biyaha Iyo cuntadu ay yihiin caqabadda ugu weyn ee haatan taagan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Bulshada Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed iyo qurbajoogta Deegaanka inay ka qeybaataan gurmadka socda si looga hortago in dhibaatadu ay kasii badato inta ay hada joogto.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles