Tuesday, January 13, 2026

DFS oo baabi’isay heshiiskii ay kula jirtay dowladda Imaaraatka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya awooddooda dastuuriga ah kana duulaya waajibaadka saaran ee ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayaa maanta qaatay go’aan muhiim ah oo lagu difaacayo qarannimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu, kaddib qiimeyn qoto dheer oo ay ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay iyo warbixinno la xiriira arrimaha amniga, siyaasadda, iyo madaxbannaanida dalka, ayaa si rasmi ah u burriyay dhammaan heshiisyadii iyo wadashaqeyntii u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo lala galay hay’adaha dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada dalka, difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku dhaqanka sharciga, dastuurka, iyo heshiisyada caalamiga ah ee dalka uu saxiixay.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles