Tuesday, January 13, 2026

DFS oo sheegtay in xubno ka tirsanaa Al-shabaab lagu dilay G/Sh/Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal cirka ah oo xalay ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen deegaanka Jabad Godone ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu beegsaday goob ay argagixisada Al-Shabaab ku abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qorsheynta iyo diyaarin qaraxyo lagu waxyeelleeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in intii uu socday howlgalkaas lagu dilay 17 xubnood oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo si toos ah uga qayb qaadanayay falal amni-darro ah. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba la burburiyay hub iyo gaadiid ay kooxdaasi u adeegsan jirtay weerarrada ay ku beegsan jirtay shacabka iyo hay’adaha amniga.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa carrabka ku adkeysay in howlgalka uu ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay, isla markaana u dhacay sidii loogu talagalay, iyadoo aan wax khasaare ah loo geysan shacabka ku nool deegaanka lagu fuliyay weerarka.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Wafdi Sare oo ka Socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood, Caasimadda Dowlad-Goboleedka Waqooyi-Bari

Wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Federaalka...

Galmudug oo soo saartay amar lagu xakameynayo hubka

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa soo saartay...

Jubbaland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa si cad uga hor yimid go’aanka...

Somaliland oo diiday talaabada ay DFS ka qaadatay Imaaraadka Carabta

Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u diiday sheegasho ka...

Maamulka Puntland oo war ka soo saaray go’aankii dowladda dhexe ee Imaaraadka

Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeedsaday go’aankii dowladda federaalka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles