Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa duleedka bari ee magaalada Laascaanood ku soo dhaweeyay qayb ka mid ah ciidamada Danab ee hoggaamiye Gen. Jimcaale Jamaac Takar oo hadda ah urur ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Ciidanka oo ka soo baxay Garowe ayaa la sheegay in ay Waqooyi Bari u yimaadeen xoojinta sugidda amniga, iyada oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku soo wajahan magaalada Laascaanood.
Sidoo kale shalay waxaa Laascaanood gaaray ciidamada PSF oo iyaguna hadda ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka soo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dowladda federaalka Soomaaliya waxay hore u sheegtay in ciidamo ka amar qaata ay ku sugan yihiin deegaano ka tirsan Puntland, hase ahaatee waxa hadalkaas waxba kama jiraan ku tilmaantay dowladda Puntland.


