Wednesday, March 4, 2026

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ufadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ambassador Alper AktaÅŸ.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowlada Turkiga, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay arrimaha horumarinta, Amniga, Gargaarka Bani’aadannimo iyo taageerada Mashaariicda adeegyada Bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga doorka muuqda ee ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, Xaqiijinta Amniga iyo Arimaha Bani’aadannimada.Safiirka Dowladda Turkiga Ambassador Alper Aktaş ayaa dhankiisa bogaadiyey dadaallada Dowlad Koonfur Galbeed ee ku aaddan nabadeynta, horumarinta iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, isagoo xaqiijiyey in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles