MW Xasan Sheekh oo la filayo inuu u safro Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu u safro magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku guddoomin doono kulan ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Sida ay sheegayaan wararka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqon doona madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee guddoomiya kulan Golaha Ammaanka, arrin loo arko guul taariikhi ah oo diblomaasiyadeed oo u soo hoyatay Soomaaliya.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka, Madaxweynaha ayaa khudbad rasmi ah ka jeedin doona, taas oo uu si faahfaahsan uga hadli doono damaca gurracan ee Yuhuuddu ay ku doonayaan in lagu kala qeybiyo midnimada Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeyn doona mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo wadajirka dalka.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee New York ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay si weyn ugu jirto masraxa caalamka, isla markaana ay doonayso inay xoojiso doorkeeda diblomaasiyadeed iyo matalaaddeeda Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

 Deni oo maanta hortagaya Baarlamaanka Puntland iyo go’aanno siyaasadeed oo laga sugayo

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta la filayaa...

Donald Trump oo u jawaabay Obama si adagna u weeraray

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si kulul u weeraray...

Garaad Jaamac oo ku baaqay in la garab istaago dadka Moyale

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in taageerada dadka...

Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu weeraro dhimasho sababay ka gaystay Sanca

Shabakadda Al-Masirah, oo ay maamulaan Xuutiyiintu, ayaa warisay in...

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles