Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS oo ansixiyay heshiiska lagu dhisay IGAD

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa 30-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyey Heshiiska lagu dhisay Urur Goboleedka IGAD, waxaana warbixinta akhrinta sedaxaad ee heshiiskan Golaha la wadaagay Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka.

intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod u qaaday heshiiskan, waxaana ogolaatay 141-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, sidoo kalena hal Xildhibaan ayaa ka aamusay.

Dhinaca kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud ee hindise sharciyeedka weydiiyey Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ka jawaabay su’aalaha ay Xildhibaanada weydiiyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh inuu soo diyaariyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, dibna Golaha ugu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles