Dagaal culus ayaa saaka waaberigii markale ka dhacay deegaanka Kudhaa, kaddib markii ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa Kumaandooska Danab ay weerar ballaaran ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab ee ku go’doonsanaa gudaha deegaankaasi.
Sida ay sheegayaan wararka maleeshiyadka Al-shabaab oo shalay isla waqtigan soo weerartay Kudhaa ayaa xalay si buuxda loogu go’doomiyay deegaanka, kaddib markii ciidamada Jubbaland iyo Danab ay dhan walba ka fadhiisteen waddooyinka laga baxo.
Kooxaha Al-shabaab ayaa gabbaad ka dhigtay gudaha magaalada, kadib markii ay la kulmeen duqeymo cirka ah iyo dagaal dhulka ah, waxaa ayna kooxda isku dayday inay xalay baxsadaan iyagoo wata gaadiid dagaal iyo dhaawacy badan, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.
Wararka ayaa sheegaya in isku daygaasi ayaa fashilmay, waxaana xalay loo diiday inay dhinacna u dhaqaaqaan, maadaama ay si buuxda u go’doomiyeen ciidamada dowladda.
Marar ay isku dayeen inay xoog ku jebiyaan go’doominta ayay kala kulmeen dharbaaxooyin culus oo ka yimid ciidamada ammaanka.
Saaka markii uu waagu baryay ayay ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa dowladda bilaabeen weerar toos ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro maleeshiyaadka Al-shabaab, iyadoona laga saaray meelaha ay ku dhuumaaleysanayeen.
Kudhaa oo koofur ka xigta magaalada Kismaayo waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.


