Wednesday, March 11, 2026

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha wasiirada Soomaaliya?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen.

Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles