Thursday, March 12, 2026

Kulamo xasaasi ah oo ka socda Nairobi iyo xog faahfaahsan

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan kulan xasaasi ah kula leh xubnaha Beesha Caalamka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo xasaasi ah:-

Diidmada adag ee Puntland ka keentay wax-ka-beddelka ay DFS ku sameynayso cutubyada harsan ee dastuurka.

Hannaanka loo marayo doorashooyinka dalka iyo ismari-waaga ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.

Isbeddellada dhinaca amniga iyo sidii looga fogaan lahaa khalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb gali doono kulan weyn oo ay Nairobi ku yeelanayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku midoobeen madaxda Puntland, Jubbaland iyo xubnaha madasha mucaaradka.

Kulankan ayaa loo arkaa kii ugu muhiimsanaa ee ay yeelanayaan Golahan, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aan mideysan oo ku aaddan dalabka Beesha Caalamka ee ahaa in la aqbalo shirka wada-tashiga ee Muqdisho iyo mowqifka ay ka qaadanayaan dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku eg May 2026-ka.

Dhaqdhaqaaqyada Nairobi ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu ka jiro shaki xooggan oo laga qabo dedejinta ansixinta dastuurka, kadib kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddiga Dastuurka.

Xubnaha ku sugan Nairobi ayaa la sheegay inay si hoose ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Xildhibaanno badan ay ka digeen in dalku galo “madow siyaasadeed” haddii aan is-afgarad la gaarin.

Beesha caalamka ayaa dhankooda cadaadis ku saaraya dhinacyada Soomaalida inaan la aqbali doonin muddo kororsi, balse loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay ka hor intaan lagaarin bisha May ee sanadkan 2026.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ciidamada xoogga oo la wareegay Xawaadley

Ciidamada xoogga ayaa maanta gudaha u galay deegaanka Xawaadleey...

Xasan Sheekh oo Safar ku Tagaya Jabuuti Xilli Madaxweyne Geelle u Tartamayo Doorasho Kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu...

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay saldhigyada Daacish ee Buuraha Calimiskaad

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa fuliyay duqeyn...

Wafdi ka socda DFS oo New Yorka uga qeybgalay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Markab xammuul oo lagu weeraray Marinka Hormuz

Markab xammuul qaada oo ku dhow Marinka Hormuz ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles