Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa haatan kulan xasaasi ah kula leh xubnaha Beesha Caalamka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah, kulankan ayaa diiradda lagu saarayaa saddex qodob oo xasaasi ah:-
Diidmada adag ee Puntland ka keentay wax-ka-beddelka ay DFS ku sameynayso cutubyada harsan ee dastuurka.
Hannaanka loo marayo doorashooyinka dalka iyo ismari-waaga ka taagan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa.
Isbeddellada dhinaca amniga iyo sidii looga fogaan lahaa khalalaase siyaasadeed oo dalka ka dhaca.
Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa ka qeyb gali doono kulan weyn oo ay Nairobi ku yeelanayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku midoobeen madaxda Puntland, Jubbaland iyo xubnaha madasha mucaaradka.
Kulankan ayaa loo arkaa kii ugu muhiimsanaa ee ay yeelanayaan Golahan, waxaana la filayaa in laga soo saaro go’aan mideysan oo ku aaddan dalabka Beesha Caalamka ee ahaa in la aqbalo shirka wada-tashiga ee Muqdisho iyo mowqifka ay ka qaadanayaan dhammaadka muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku eg May 2026-ka.
Dhaqdhaqaaqyada Nairobi ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu ka jiro shaki xooggan oo laga qabo dedejinta ansixinta dastuurka, kadib kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddiga Dastuurka.
Xubnaha ku sugan Nairobi ayaa la sheegay inay si hoose ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ka socda Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Xildhibaanno badan ay ka digeen in dalku galo “madow siyaasadeed” haddii aan is-afgarad la gaarin.
Beesha caalamka ayaa dhankooda cadaadis ku saaraya dhinacyada Soomaalida inaan la aqbali doonin muddo kororsi, balse loo baahan yahay heshiis loo dhan yahay ka hor intaan lagaarin bisha May ee sanadkan 2026.


