Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in si qarsoodi ah u soo galaan magaalada Muqdisho si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.
War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in sirdoonka qaranku si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, islamarkaana hawlgal qorsheysan lagu soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaarinayay fulinta weerarro argagixiso.
Hay’addu waxay intaasi ku dartay in shabakaddan, oo ka tirsan Alshabaaab loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si loo marsiiyo sharciga, iyadoo la raacayo nidaamka cadaaladeed ee dalka.
NISA ayaa uga mahadcelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, iyadoo ku boorrisay shacabka inay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo khatar ku ah amniga ama la xiriirta Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo adeegsanaya lambarrada rasmiga ah ee hay’adda.


