NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban illaa shan (5) xubnood, kuwaas oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in si qarsoodi ah u soo galaan magaalada Muqdisho si ay uga fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.

War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in sirdoonka qaranku si dhow ula socday dhaq-dhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, islamarkaana hawlgal qorsheysan lagu soo qabtay nuucyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaarinayay fulinta weerarro argagixiso.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in shabakaddan, oo ka tirsan Alshabaaab loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si loo marsiiyo sharciga, iyadoo la raacayo nidaamka cadaaladeed ee dalka.

NISA ayaa uga mahadcelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, iyadoo ku boorrisay shacabka inay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo khatar ku ah amniga ama la xiriirta Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo adeegsanaya lambarrada rasmiga ah ee hay’adda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles