Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka oo shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka ay ku baaqday DF

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan casuumadda shirka wada-hadalka Qaran ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay, kaasoo la filayo inuu ka furmo Muqdisho 1-da Febraayo 2026., balse waxay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirkaasi.

Goluhu wuxuu adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya jawi kalsooni leh, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah:

Mucaaradka ayaa soo sheegay in muhiim ay tahay In si gebi ahaanba loo joojiyo wax ka badelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii, kaasoo ay labada maamul goboleed iyo mucaaradku ku doodayaan inuu yahay saldhigga kaliya ee heshiiska lagu yahay.

In ajendayaasha laga wada hadlayo ay noqdaan kuwa mudnaanta kowaad u leh xaaladda hadda ka jirta Dalka, sida:

Amniga: Gaar ahaan la dagaallanka Kooxaha Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah (iyadoo mucaaradku ay ka digayaan in lagu degdego “qof iyo cod” oo aan suurtagal ahayn xilligan).

Midnimada Dalka: Xaaladda midnimada iyo wadajirka Dalka.

Abaaraha: Xaaladda abaaraha ka jirta guud ahaan Dalka Soomaaliya.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), ayaa loo xilsaaray diyaarinta wixii farsamo ah ee shirka la xiriira.

Screenshot

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles