Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin maamullada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan casuumadda shirka wada-hadalka Qaran ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u fidisay, kaasoo la filayo inuu ka furmo Muqdisho 1-da Febraayo 2026., balse waxay shuruudo ku xireen ka qeyb galka shirkaasi.
Goluhu wuxuu adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya jawi kalsooni leh, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah:
Mucaaradka ayaa soo sheegay in muhiim ay tahay In si gebi ahaanba loo joojiyo wax ka badelka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka ee 2012-kii, kaasoo ay labada maamul goboleed iyo mucaaradku ku doodayaan inuu yahay saldhigga kaliya ee heshiiska lagu yahay.
In ajendayaasha laga wada hadlayo ay noqdaan kuwa mudnaanta kowaad u leh xaaladda hadda ka jirta Dalka, sida:
Amniga: Gaar ahaan la dagaallanka Kooxaha Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.
In heshiis loo dhan yahay laga gaaro hannaan doorasho oo ay ku dhacdo doorashada hay’adaha Dowladda Federaalka ah (iyadoo mucaaradku ay ka digayaan in lagu degdego “qof iyo cod” oo aan suurtagal ahayn xilligan).
Midnimada Dalka: Xaaladda midnimada iyo wadajirka Dalka.
Abaaraha: Xaaladda abaaraha ka jirta guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab), ayaa loo xilsaaray diyaarinta wixii farsamo ah ee shirka la xiriira.



