Tuesday, June 2, 2026

Maraykanka oo iska soo ridey diyaarad dagaal

Diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa lagu soo riday badda cas, kadib markii uu si kama ah u toogtay” Markab Mareykanku leeyahay”, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Laba duuliye oo ka tirsan Ciidanka Badda Mareykanka ee F/A-18 Hornet ayaa si nabad ah uga badbaaday, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac fudud, sida uu sheegay Taliska Dhexe.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii Mareykanka uu qaaday weeraro is xigxigay oo dhanka cirka ah oo lala beegsaday goob lagu keydiyo gantaallada iyo xarumaha laga hago ee caasimada Yemen ee Sanca oo ay maamulaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa intaa ku daray in ay sidoo kale duqeeyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta iyo gantaallada lidka maraakiibta badda cas.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka ayaa lagu xaqiijiyay in shilku si kama ah u dhacay oo aanu ku tala gal ahayn.

“Markabka laga rido gantaallada la hago ee USS Gettysburg, oo ka tirsan kooxda USS Harry S Truman Carrier Strike Group, ayaa si qalad ah u ridey oo ku dhuftay diyaaradda F/A-18, taasoo duuleysay hawada USS Harry S Truman,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray taliska dhexe ee Mareykanka.

Horey ayaa taliska dhexe ee Mareykanku u sheegay in duqaymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada Sanca looga dan leeyahay “in lagu carqaladeeyo laguna wiiqo hawlgallada Xuutiyiinta, sida weerarrada ka dhanka ah maraakiibta dagaalka ee ciidamada badda iyo maraakiibta ganacsi ee ku sugan Koonfurta Badda Cas, gaarahaan Bab al-Mandeb, iyo Gacanka Cadmeed”.

Milateriga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqeeyeen “dhowr meelood oo ay yaalliin aalado is wado oo Xuuthiyiintu leeyihiin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada lidka maraakiibta.

Xuutiyiinta, oo ah jabhad ay Iran taageerto oo maamula waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, ayaa billaabay inay weeraraan maraakiibta Israa’iil iyo kuwa caalamiga ah wax yar ka dib markii uu billowday dagaalka Qasa, toddobadii Oktoobar sanadkii 2023-ka, iyagoo sheegay inay ay garab siinayaan Falastiiniyiinta.

Tan iyo bishii Nufeembar 2023-ka, weerarrada gantaallada ee Xuutiyiinta ayaa laba markab ku quusiyay badda cas, kuwa kalena waxyeello u geystay. Waxay ku andacoodeen, inta badan inay beegsadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee laga leeyahay Mareykanka iyo Uk.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, Mareykanka, UK iyo 12 waddan oo kale ayaa bilaabay Hawlgalka Ilaalinta Barwaaqada badda si ay uga hortagaan weerarada marinnada maraakiibta Badda Cas.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran oo joojisay wadahadalada ay kula jirtay Mareykanka

Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa ilo ku dhow dowladda...

Mareykanka oo ka digtay rabshado ka dhaca Muqdisho iyo fariin loo diray Xasan Sheekh iyo Mucaaradka

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada...

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Dib u celisay Kiiska Sacdiyo “Bajaaj”

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dib ugu celisay Xafiiska Xeer...

Beesha Caalamka oo walaac ka Muujisay Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya, Baaqna u dirtay Hoggaamiyeyaasha Dalka

Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed...

Masar Oo Soomaaliya Ka Dalbatay In La Sii Daayo Badmaaxiin Masaari Ah Oo Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles