Deni iyo Axmed Madoobe oo ciidamo hubeysan u soo diray Muqdisho

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka soo ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, iyagoo ku soo wajahan caasimadda Muqdisho.

Ciidamadan oo tiradoodu ka badan tahay kuwii horey u yimid sanadkii 2021 ayaa waxaa ay ku hubeysnaayeen hub culus, oo ay ku jiraan qoryaha darandooriga u dhaca, halka qaar kalena ay wateen santuuqyo rasaas kayd ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa isna Muqdisho u soo diray ciidamo aad u hubeysan oo ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah, kuwaas oo la filayo in ay kaalin ka qaataan sugidda ammaankiisa inta uu magaalada joogo.

Ma ahan markii ugu horreysay ee madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay ciidamo hubeysan la yimaadaan Muqdisho, maadaama ay marar hore sidan oo kale u soo galeen caasimadda xilliyo ay jireen shirar siyaasadeed oo xasaasi ah.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay maalinta berri ah soo gaaraan Muqdisho, waxayna ka qeyb geli doonaan shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubbaland, iyo Madasha Samatabixinta ee mucaaradka.

Shirkan ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed, arrimaha doorashooyinka, iyo xoojinta wadatashiga siyaasadeed, xilli ay dalka ka jirto xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles