Tuesday, June 30, 2026

Guddoonka Baarlamaanka oo Fadhiyada ka Joojiyay Xildhibaano Kaddib khalalaase

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa soo saaray go’aanno rasmi ah oo la xiriira joojinta fadhiyada guud ee wadajirka ah ee labada Aqal iyo sidoo kale fadhiyada Golaha Shacabka, kaddib khalalaase ka dhacay kulan wadajir ah oo la qabtay 28-kii Janaayo, 2026.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid lagu ilaalinayo nidaamka, anshaxa, iyo kala dambeynta Golaha, kaddib markii fadhigii ugu dambeeyay uu isu beddelay buuq iyo fowdo.

Sidoo kale Aadan Madoobe ayaa digniin kama dambeys ah u diray xubno ka tirsan Golaha Shacabka oo lagu eedeeyay inay door ku lahaayeen qalalaasihii dhacay, isagoo adkeeyay in la dhowro xeer-hoosaadka Baarlamaanka, lana ilaaliyo sharafta iyo haybadda hay’adda sharci-dejinta.

Dhanka kale, Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa isna soo saaray go’aan maamul oo lagu joojiyay ka-qeybgalka kulamada wadajirka ah ee labada Aqal muddo 12 kulan ah, Senatarrada kala ah Sanatar Leyla Nuur Maax iyo Sanatar Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo loo yaqaan Fartaag.

Go’aankan ayaa salka ku haya, sida lagu sheegay, qalalaaso iyo ku xadgudub ay labada Senatar ku sameeyeen xeer-hoosaadka Aqalka Sare, intii uu socday kulankii wadajirka ahaa ee 28-kii Janaayo, 2026

Tallaabooyinkan ayaa imaanaya xilli Baarlamaanka Federaalka uu wajahayo khilaafyo siyaasadeed iyo muran la xiriira hannaanka wax-ka-beddelka dastuurka iyo shaqada kalfadhiyada.

Illaa hadda, wax war ah kama soo bixin xubnaha la ciqaabay ama dhinacyada mucaaradka ee ku aaddan go’aannadan.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35...

MW Xasan Sheekh oo Weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay...

Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan...

Erdogan“Muqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga”

Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdoğan,  ayaa sheegay in Turkigu...

MW Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wadahadlay xaalka Soomaaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Salma Malik Haddadi, ayaa...

Q.M oo war ka soo saartay xaalada Koofur Afrika

Qaramada Midoobay (UN) ayaa sheegtay in ay si dhow...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles