NISA oo shaacisay Magacyada horjoogayaal lagu dilay howlgal ka dhacay G/Sh/Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu shaaciyay magacyada xubnaha maleeshiyaadka Al-shabaab ee lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale NISA ayaa qoraalkeeda intaasi ku dartay “Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.”

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Bayaanka NISa ayaa lagu sheegay in Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles