Tuesday, June 30, 2026

NISA oo shaacisay Magacyada horjoogayaal lagu dilay howlgal ka dhacay G/Sh/Dhexe

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu shaaciyay magacyada xubnaha maleeshiyaadka Al-shabaab ee lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku beegsaday guri ay shir ku lahaayeen Horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana halkaas lagu dilay 13 dhagar-qabe oo shan ka mid ah ay ahaayeen Horjoogeyaal.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale NISA ayaa qoraalkeeda intaasi ku dartay “Horjoogeyaasha dhiigya-cabka ah ee la beegsaday ayaa u fadhiyay kulan ay doonayeen in ay ku maleegaan shirqoollo argagixiso iyo in ay dadka deegaanka ku cadaadiyaan in ay taageero qasab ah ka helaan, balse Sirdoonka qaranka ayaa beeniyay dhagartooda, kadib markii halkaas lagu soo afjaray dhaq-dhaqaaqii ay wadeen.”

Horjoogeyaasha la dilay waxa ay kala ahaayeen; Macallin Caseyr, Macallin Muxumed Axmed Xasan, Shiikh Cali Guuraale , Cabdiraxmaan Shiikh Cali (C/raxmaan Dhegey), iyo Macallin Caadey, kuwaas oo Khawaarijta u kala qaabilsanaa falalka argagixiso ee ay ka fulin jireen Gobollada Shabeellaha Dhexe, Galgaduud iyo Bay.

Bayaanka NISa ayaa lagu sheegay in Ilaa siddeed dhagar-qabe oo ay ku jiraan seddax Horjooge ayaa sidoo kale howlgalkan lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus, waxayna kala yihiin Horjoogeyaashaasi; Cali Macallin Xasan, Cabdullaahi Muxudiin Maxamed Rooble (Bukuri) iyo Cabdiraxmaan Axmed Diini.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha JFS oo kumanaan qof kula hadlay bartamaha caasimada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35...

MW Xasan Sheekh oo Weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay...

Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan...

Erdogan“Muqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga”

Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdoğan,  ayaa sheegay in Turkigu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles