Axmed Madoobe oo dib xorriyadiisa u siiyay Sanoter Gaboose

Madaxweynaha Jubaland Axmed Naxaned Islaam (Madoobe) ayaa xorriyadiisa siiyay senator Ilyaas Badal Gaboose oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024 ku xirnaa magaalada Kismaayo.

Siidaynta kaddib, madaxweynaah Jubaland oo xalay la kulmay senator Ilyaas ayaa war uu soo saaray ku yiri “Walaaladay senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.

“Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland” ayuu raaciyay.

Senator Ilyaas Badal Gaboose wuxuu Nofeembar 2024 sheegtay in loo doortay madaxweynaha Jubaland, xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu xabsi guri ku ahaa magaalada Kismaayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles