NISA oo sheegtay in la dilay sarkaal sare oo tirsanaa Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, ayaa lagu yiri:Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo”.

Qoraalka ayaa intaasi ku daraya in howgalkaan ay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran. “Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan”.

Ciidanka NISA, ayaa sheegay in sarkaalkaan ay muddo ku raadjoogeen isla markaana ugu dambeyn ay u suurta gashay in ay dilaan

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles