MW Xasan Sheekh oo sheegay in Sacuudiga iyo Xulafadiisa ay kala shaqeynayaan ka hortaga qorshaha Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shaaca ka qaaday istiraatiijiyad saddex geesood ah oo isugu jirta dhinacyo siyaasadeed iyo sharci, si looga hortago loogana buriyo waxa uu ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo xulafadeeda gobolka, si loo ilaaliyo xasilloonida loogana hortago waxa uu ugu yeeray “koror khatar ah oo aan laga fiirsan.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ay yihiin “khad cas,” islamarkaana aan la aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madaxbannaanida dalka.

“Ma doonayo inaan magacaabo dal gaar ah ama dalal,” ayuu yiri Madaxweynaha, “laakiin waa cadahay in qaar ay u arki karaan aqoonsigan fursad ay ku gaaraan dano gaaban oo ciriiri ah, iyagoo halis gelinaya midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in Muqdisho ay waddo dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran si loo helo mowqif mideysan oo ay wadaagaan dalalka Carabta, Islaamka iyo Afrika, si ay uga soo horjeestaan tallaabada uu ku tilmaamay mid aan laga fiirsan oo ay qaadday Israa’iil.

Dhaqdhaqaaqan diblomaasiyadeed ayaa yimid kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu dhammaadkii sannadkii 2025 ku dhawaaqay in Israa’iil ay u aqoonsatay Somaliland dal madax-bannaan.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay xad-gudub cad oo lagu sameeyay midnimada iyo madax-bannaanida dhulkeeda, iyadoo ka digtay in arrintan ay sababi karto cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo ka baxsan xuduudaha Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku celiyay in dowladdiisu ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharci iyo diblomaasiyadeed ee suurtagalka ah si loo difaaco qaranimada iyo midnimada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles