Madax ka tirsan Mucaaradka oo la celiyay inay galaan Xerada Xalane

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa la sheegay in laga celiyey inay gudaha u galaan Xeyndaabka Xalane si ay halkaa uga qeybgalaan kulan gaar ah oo ay yeelan lahaayeen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in masuuliyiintan laga celiyo kolonyadooda inay gudaha u galaan gudaha Airport-ka Muqdisho oo ay daganyihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe,  madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Xubnaha madasha samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa haatan kulan ku leh guriga madaxweynihii horre ee dalka Shariif Sheikh Ahmed.

“Waddo la xiro, diyaarad la celiyo, madax la horjoogsado, mukeyf la dansado iyo musqulo la xirto ma ahan dhaqan u fiican dowladnimada, waxayna tusaale u tahay niyad xumida hoggaanka maanta” Koofi Aadan

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles