Booliska Kenya oo xiray Nasir Cige iyo eedeynta loo haysto

Qoraal kasoo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in Nin 37 jir ah oo heysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia lagu xiray garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta isagoo loo heysto denbiyo la xiriira wax is daba marin.

Cige Naasir ayaa lagu qabtay Terminal 1A, isagoo ka yimid Australia, soona maray magaalada Johannesburg, wuxuuna saarnaa diyaaradda Kenya Airways ah.

Booliska Kenya wuxuu sheegay inay dabagal ku hayeen ninkan oo ku calaamadeysanaa digniin la xiriirta xakamaynta socdaalkiisa, taasoo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026, iyadoo lala xiriiriyay kiis ah inuu lacago badan ku helay si been abuur ah.

Markii lagu baaray Saldhigga Booliska ee JKIA, waxaa loo wareejiyay saraakiisha DCI si loo sameeyo baaritaanno dheeraad ah, iyadoo ay weli socdaan baaritaanada lagu hayo.

Naasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro Booliska Kenya ee la dagaalama argagixisada, wuxuuna xarigiisa ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles