Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka in ay “adag tahay” in heshiis nukliyeer lala gaaro Iran, wuxuuna soo jeediyay in cabsi la adeegsado ay noqon karto furaha lagu xallin karo khilaafka si nabad ah.

“Way adkeyd in heshiis lala gaaro Iiraaniyiinta,” ayuu Trump ka sheegay hortooda ciidamada ku sugan saldhigga Fort Bragg ee gobolka North Carolina, kadib markii mas’uuliyiin Mareykan ah ay sheegeen in markab dagaal labaad loo dirayo Bariga Dhexe.

“Mararka qaarkood waa inaad isticmaashaa cabsi galin. Taasi waa waxa kaliya ee xaaladda xallin karta,” ayuu yiri.

Khudbaddiisa, Trump wuxuu sidoo kale xusay duqeyntii Mareykanku ku bartilmaameedsaday goobaha nukliyeerka Iran bishii Juun ee sanadkii hore. Hore ayuu u sheegay in la bilaabay hawlgalka dirista markabka dagaalka ugu weyn adduunka.

Dowladda Cumaan ayaa fududeysay wada-hadallo dhex maray Iran iyo Mareykanka toddobaadkii hore. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in kulamadaasi u saamaxeen Tehran inay qiimeyso sida ay Mareykanku uga go’an tahay arrintan, isla markaana ay muujiyeen in diblomaasiyaddu sii socon karto.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles