Trump oo sheegay farsamada uu adeegsanayo si ay Iran u saxiixdoo heshiis Nukliyeer

Madaxweynaha Donald Trump ayaa Jimcihii u sheegay ciidamada Mareykanka in ay “adag tahay” in heshiis nukliyeer lala gaaro Iran, wuxuuna soo jeediyay in cabsi la adeegsado ay noqon karto furaha lagu xallin karo khilaafka si nabad ah.

“Way adkeyd in heshiis lala gaaro Iiraaniyiinta,” ayuu Trump ka sheegay hortooda ciidamada ku sugan saldhigga Fort Bragg ee gobolka North Carolina, kadib markii mas’uuliyiin Mareykan ah ay sheegeen in markab dagaal labaad loo dirayo Bariga Dhexe.

“Mararka qaarkood waa inaad isticmaashaa cabsi galin. Taasi waa waxa kaliya ee xaaladda xallin karta,” ayuu yiri.

Khudbaddiisa, Trump wuxuu sidoo kale xusay duqeyntii Mareykanku ku bartilmaameedsaday goobaha nukliyeerka Iran bishii Juun ee sanadkii hore. Hore ayuu u sheegay in la bilaabay hawlgalka dirista markabka dagaalka ugu weyn adduunka.

Dowladda Cumaan ayaa fududeysay wada-hadallo dhex maray Iran iyo Mareykanka toddobaadkii hore. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa sheegay in kulamadaasi u saamaxeen Tehran inay qiimeyso sida ay Mareykanku uga go’an tahay arrintan, isla markaana ay muujiyeen in diblomaasiyaddu sii socon karto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles