MW Xasan Sheekh oo Itoobiya kula kulmay madaxda Afrika

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulamo diblomaasiyadeed oo muhiim ah la yeeshay madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay mas’uuliyiin kale oo Afrikaan ah, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka ay Soomaaliya la leedahay dalalka qaaradda, xaaladda siyaasadeed ee dalka, amniga, iyo dadaallada dib u dhiska dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbad ka jeediyay shirka Midowga Afrika, isagoo ka hadlay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray xasilloonida iyo dowlad-dhiska. Wuxuu madaxda Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan midnimada, wadajirka, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kulamadan ayaa muujinaya dadaallada diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka gobolka iyo doorka ay ka qaadanayso xasilloonida iyo iskaashiga Afrika.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles