Tuesday, February 24, 2026

DFS oo war ka soo saartay burburka ku yimid shirkii ay kula jireen Mucaaradka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa nasiib darro ku tilmaamtay isku day ay sheegtay in mucaaradku ku doonayeen faragelin doorashooyinka qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada dalka.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in arrintaasi ay ka hor imaanayso dastuurka dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in maamullada la isku dayay in arrimahooda doorasho faragelin lagu sameeyo ay kala yihiin Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ka hadashay burburka wada-hadalladii Golaha Mustaqbalka, iyadoo sheegtay in Golaha ay ajandaha shirka ku soo dareen qodob aan horay ugu jirin oo ku saabsan in ay talo ku yeeshaan doorashooyinka dowlad-goboleedyada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid aan waafaqsanayn nidaamka dastuuriga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay hirgelinta doorashooyin dadweyne oo ku dhisan nidaamka qof iyo cod, iyadoo xustay in ilaalinta dastuurka iyo kala dambeynta doorashooyinka ay muhiim u tahay xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.

Qoraalka ayaa waxaa ku jiray “Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal-dastuuri ah iyo tixraac sharci. Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Golaha Mustaqbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale, taas oo ah arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka.”

Dowladdu, iyada oo ilaalinaysa ruuxda wada-xaajoodka iyo hannaanka sharciyeed ee lagu heshiiyey, waxay muujisay dulqaad, dabacsanaan iyo dadaal joogto ah oo lagu ilaalinayo ajendihii hore loogu heshiiyey, si wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah. Waxaase nasiib darro ah in Golaha Mustaqbalku ay soo saareen bayaan baal-marsan habraacyadii, nuxurkii iyo ruuxdii wada-xaajoodyada labada maalmood socday, iyo kulamo-doceedyadii gogol-xaarka u ahaa ee ka horeeyay, taas oo dhaawacaysa geeddi-socodka wada-hadallada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maamulka Waqooyi Bari oo fariin adag u diray Puntland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo...

Puntland oo diiday in doorashada Federaalka lagu qabto Sool

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si adag uga soo horjeesatay jadwalka...

Golaha Mustaqbalka iyo Xildhibaanada mucaaradka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Xalay magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay xildhibaano ka...

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada...

Shiinaha oo hub ka iibiyay Iran

Safaaradda Shiinaha ee Israel ayaa sanadkii hore beenisay warbixinno...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles