MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxda Ururada Siyaasada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan afur la qaatay qaar ka mid ah madaxda Ururrada siyaasadda dalka, kuwaasi oo uu kala hadlay xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo xoojinta hannaanka curdunka ah ee dimuqraadiyadda.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta ka dhageystay talooyin iyo aragtiyo ku saabsan horumarinta nidaamka doorashooyinka iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka qaybgal siyaasadeed oo loo dhan yahay, isaga oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan wada shaqaynta, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doorashooyinka qof iyo cod ee la qorsheynayo in laga qabto gobollada dalka.

Dhankooda, Madaxda Ururrada siyaasadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay midnimada, wadatashiga iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed, si loo xaqiijiyo dowladnimo dhameystiran iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay, Ra’iisulwasaare Kuxigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macalin iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane C/xakiim Maxamed Yuusuf.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles