MW Xasan Sheekh iyo Amiirka Qatar oo ka wadahadlay xiisadda gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo xiriirka labada dal.

Intii uu socday wicitaanka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wax ka weydiiyay xaaladda Qatar kadib weerarradii ay Iran qaaday, isaga oo muujiyay garab istaagga buuxa iyo taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar.

Dhankiisa, Amiirka Qatar ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya dareenka iyo garab istaagga uu muujiyay, isagoo tilmaamay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotada dheer ee mideeya labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mudnaanta la siiyo wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed si loo xalliyo xiisadda taagan, loogana hortago in xaaladdu sii kacsato.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles