Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud, kaas oo lagu joojiyay safarka xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee ku wajahnaa Puntland si ay uga qeyb galaan doorashooyin ka dhacayay halkaas.

Goluhu wuxuu sheegay in tallaabadan ay leedahay cawaaqib sharci, dastuur iyo siyaasadeed oo culus, isla markaana ay xadgudub ku tahay xorriyadda iyo xasaanadda dastuuriga ah ee xildhibaannada Baarlamaanka.

Bayaanka ayaa lagu xusay in:

Xildhibaannadu leeyihiin xorriyad dhaqdhaqaaq oo uu dammaanad qaaday dastuurku.

Adeegsiga hay’adaha duulista rayidka ee dano siyaasadeed ay dhaawacayso kalsoonida nidaamka duulista iyo sumcadda hawada Soomaaliya.

Go’aankaasi uu sii fogeynayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira, halkii laga xallin lahaa.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Madaxweynaha in uu dib uga laabto go’aankaasi, islamarkaana la ilaaliyo kala dambeynta sharci, wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo midnimada qaranka.

Ugu dambeyn, goluhu wuxuu xusay in xilligan adag ee dalka uu wajahayo caqabado amni iyo dhaqaale, ay lagama maarmaan tahay hoggaan ku shaqeeya xilkasnimo, bisayl siyaasadeed iyo ixtiraamka nidaamka federaalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta...

Aadan Madoobe oo la shiray Ciidamada Itoobiya

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Guddoomiye Jaamac oo war ka soo saaray halista Kooxaha Burcad badeeda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bayaan...

Turkiga oo beeniyey in xayiraad fiiso ku soo rogtay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Dowladda Turkiga ayaa beenisay warar lagu baahiyey baraha bulshada...

Weriye Boqorka Bartamaha oo lagu dilay Jarmalka

Alle ha u naxariistee waxaa ku geeriyooday ruugcaddaa saxaafadeed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles