Wednesday, July 22, 2026

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku qaaday xildhibaannada ku metela labada aqal ee diidan wax ka baddelka dastuurka, islamarkaana loo gaystay jirdil iyo afduub.

Puntland ayaa qoraalkooda ku sheegtay in xildhibaannada iyo senatarada loogu daatay Hotel Airport ee Muqdisho oo ku yaalla xarunta Xalane.

Sidoo kale waxay Puntland ku eedeeysay dowladda Federaalka afduub ay sheegtay in loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Axmed Cabdi Hurre.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay siweyn u cambaareynaysaa weerarka saaka (03:00am) Dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaaday, Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Hotel Airport (Muqdisho), iyo Afduubka loo geystay La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Bulshada Mudane Axmed Cabdi Hurre”.

“Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa hotel AirPort loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub” ayaa la raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Dad ka ganacsada carruurta yaryar oo xukunno lagu riday

Sagaal iyo toban qof ayaa dalka Indonesia lagu helay...

Ruushka oo gantaallo ku riday meel u dhow dalka Ingiriiska iyo UK oo dhaqdhaqaaqyo bilowday

Markab dagaal oo Ruushku leeyahay ayaa sameeyay tijaabooyin lagu...

Mareykanka oo Iiraan kala kulmaya weerarro khasaare badan gaustay

Waaxda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in ku...

Dowladda Kuweyt oo qiratay in xaruumo ay Iiraan ka wareertay

Dowladda Kuweyt ayaa xaqiijisay in warshaddeeda biyaha iyo xarunteeda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles