Wednesday, March 4, 2026

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in laga bilaabo maanta uu dhaqangal yahay dastuurka la dhammaystiray, kadib cod ay u qaadeen xildhibaannada labada aqal.

Fadhiga maanta waxaa goobjoog ka ahaa 185 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo 37 mudane oo Aqalka Sare ah, kuwaas oo ansixiyay qodobada wax-ka-beddelka.

Dhinaca kale, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaridka siyaasadda ee ku sugan Muqdisho, ayaa horey u qaadacay geeddi-socodka dhammaystirka dastuurka, iyagoo ku tilmaamay mid aan loo dhammayn si loo dhan yahay isla markaana aan lagu salayn wadatashi buuxa.

WARARKII KALE

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles