RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray Xarunta Qaran ee ka Jawaabista Xaaladdaha Degdega ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT) oo loo diyaariyey ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee ka dhanka ah amniga Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in daahfurka xaruntan uu muhiimad weyn u leeyahay amniga Qaranka, maadama xiiligan ay adduunyadu u jihaysatay dhanka Tiknoolojiyadda, ayna jiraan falal amniga liddi ku ah oo ka dhaca dhanka Isgaarsiinta, taasi oo ay ka jawaabi doonto xaruntani lagana ilaalin doono macluumaadka hey’adaha dowladda iyo guud ahaan dalka.

Xamsa, ayaa guul ku tilmaamay hirgalinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka-jawaabidda amniga saaybarka, soo gudbinta dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah Tiknoolojiyadda, iyada oo shacabka Soomaaliyeed laga wacyigalin doono khataraha kaga yimaadda dhanka Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay la timid Qorshe lagu horumarinayo Tiknoolojiyadda dalka, kadib markii Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Wasaaradda Boostada iyo Isgaariista XFS, ay soo gudbiyeen in la hirgaliyo xaruntan, taasi oo shaqo weyn ka qaban doonta xaqiijinta amniga dhanka seeybarka, dhiirrgalinna u ah horumarinta kaabeyaasha Dijitaalka ah ee Qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles