Wednesday, April 29, 2026

MW Xasan Sheekh oo saxiixay nuqul Dastuurka Cusub ee dalka

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Nuqulka Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ah tiirka ugu muhiimsan ee dhismaha dowladnimada iyo nidaamka sharci ee dalka, kaddib markii ay soo ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Madasha saxiixa Dastuurka ee Qasriga Madaxtooyada ayaa tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya ay dowladdu billaabayso dhaqan galinta Dastuurka cusub ee dalka, kaasi oo uu xusay in uu saldhig u noqonayo xoojinta hay’adaha dowladda, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka.

“Maanta waxaa soo gabangaboobay, safarkii dheeraa ee dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer soo ahaa, mid ku meel gaar ah, Baarlamaanka Federaalkuna ay dhowaan ansixiyeen. Ilaaheey idankiis, maanta wixii ka dambeeya, waxaa noo billaabandoona dhaqan galintiisa”.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay Munaasabadda saxiixa dhaqangalinta Nuqulka Dastuurka cusub Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyeyaasha Guddiyada Dib u eegista Dastuurka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee G/Sanaag

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo...

Soomaaliya “Amniga iyo maareynta baddeena waa arrin muhiim u ah gobolka iyo guud ahaan dunida”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay...

Muddo kordhin loo sameeyay golaha wakiilada iyo kuwa deegaanka Soomaaliland

Golaha Guurtida Somaliland ayaa goleyaasha wakiillada iyo deegaanka u...

Deni oo shaaciyay in 15-ka May 2026 haddii aan la helin heshiis siyaaasadeed aysan jirin dowlad Soomaaliyeed

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey Magaalada...

Doorashadii Baydhabo oo dib loo dhigay, khilaaf xooggan oo hareeyay hanaanka doorashada KGS

Waxaa dib loo dhigay doorashadii maanta lagu waday inay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles