Wednesday, July 22, 2026

Mareykanka iyo Iran yaa soo afjari doono dagaalka ka socda Bariga Dhexe

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan ayaa galay maalintii 11-aad, iyadoo dhinacyadu sii xoojinayaan weerarrada iyo hadallada kulul ee la isku mariyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iiraan uu noqon doono “mid waqti gaaban socon doona,” balse wuxuu qiray in guul buuxda weli aan laga gaarin Tehran. Trump ayaa sidoo kale sheegay in awoodda badda ee Iiraan la burburiyay, isaga oo ku andacooday in inta badan maraakiibta ciidamada badda ee Iiraan ay ku dhammaadeen badda gunteeda.

Hase yeeshee, Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa si adag u beeniyay hadalladaas, iyagoo ku tilmaamay “been cad” oo lagu qarinayo cadaadiska dagaalka. Afhayeenka ciidamadaas Jeneraal Cali Maxamed Naeini ayaa sheegay in Iiraan ay go’aamin doonto waqtiga uu dagaalku dhammaanayo, isagoo intaas ku daray in dalkoodu diyaar u yahay inuu ballaariyo dagaalka.

Iiraan ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay bilowday mowjaddii 33-aad ee howlgalka militari ee loo bixiyay “Ballan-qaadkii Runta 4”, iyadoo sheegtay inay weerarro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israa’iil iyo kuwo ay ku tilmaantay inay Mareykan leeyihiin oo ku yaalla dalal ka tirsan gobolka. Waxaa sidoo kale la sheegay in weerarro lagu qaaday saldhigyo ku yaalla Khaliijka.

Dhanka kale, Israa’iil iyo Mareykanka ayaa sii waday duqeymaha cirka ee ka dhanka ah bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Iiraan. Warbaahinta Israa’iil, gaar ahaan Channel 12, ayaa sheegtay in gantaallo si isku mar ah looga soo tuuray Iiraan iyo ururka Hezbollah oo ku wajahan Israa’iil.

Gudaha Tehran, wakaaladda wararka ee Mehr ayaa sheegtay in la helay meydka gabar hal sano jir ah oo ku dhimatay burburka dhisme la degganaa, ka dib markii gantaallo ay ku dhaceen oo ay ridayeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Dhanka Khaliijka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Bahrain ayaa dadka ku wargelisay inay u dhaqaaqaan meelaha amniga ah ka dib markii la maqlay seeriga digniinta weerarrada cirka.

Sidoo kale, xaaladda xuduudda Lubnaan iyo Israa’iil ayaa sii kacsan. Ururka Hezbollah ayaa weerarro diyaarado aan duuliye lahayn ku qaaday deegaanno ku yaalla Galbeedka Israa’iil, halka Madaxweynaha Lubnaan uu ku baaqay in si degdeg ah loo gaaro xabbad-joojin buuxda si looga hortago in dagaalku ku fido Gobolka oo dhan

WARARKII KALE

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

Trump oo ku hanjabay inuu weerari doono xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa ah

Maraykanka ayaa weerarro ku qaaday Iiraan habeenkii 11-aad oo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo DF ku eedeeyay Colaadda Boosaaso

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isku magacaabay...

PSF oo Puntland ku eedeysay in dagaalka ay u adeegsatay Diyaarado Drones ah

Ciidamada PSF ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles