Wednesday, July 22, 2026

Ciidan cusub oo ku biiray abaabulka ka dhanka ah Lafta gareen

Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka socda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaas oo la sheegay inay la xiriiraan diidmo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in maamulka iyo saraakiisha Buurhakaba ay hub iyo tuute kala duwan ku wareejiyeen cutubyo ka tirsan daraawiishta degmada, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay gudaha magaalada.

Saraakiisha iyo maamulka degmada oo la hadlay ciidamadan ayaa ku booriyay inay u diyaar garoobaan sugidda amniga degmada iyo la dagaalanka Al‑Shabaab, iyo cid kasta oo ay ku tilmaameen inay khatar ku tahay xasilloonida Buurhakaba.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jiro maamulka degmada Buurhakaba iyo madaxda sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada ay ku eedeeyeen maamulka sare inuu dayacay degmada iyo dadka ku nool.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo horey ugu sugnaa Buurhakaba maanta loo qeybiyay hub iyo darees cusub, kuwaas oo la sheegay inay ku biireen xoogag ka soo horjeeda maamulka Koonfur Galbeed. Tani waxay muujinaysaa kororka diidmada siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka Lafta-gareen.

WARARKII KALE

Mareykanka iyo Sacuudiga oo ku dhawaaqaya heshiiska tamarta nukliyeerka

Washington iyo Riyaad ayaa la filayaa inay ku dhawaaqaan...

Ilaalada Kacaanka Iran oo ku dhawaaqay weerarro ay ku beegsadeen saldhigyo Mareykanku leeyahay

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay inay...

Kenya oo qirtay in dad loo karaantiilay cudurka Ebola

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa markii ugu...

Cameroon iyo Gabon oo ku Baaqay in la soo Afjaro Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa ku baaqay in Midowga...

Baarlamaanka Turkiga oo Ansixiyay Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne...

Booliska Itoobiya oo xiray 17 tuhmanayaal ah oo ku eedeysan tahriibinta dadka

Booliska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles